Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Oo Shir Guddoomiyey shirka amniga oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka amniga oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha.

Kulankan ayaa ku saabsanaa dardargelinta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kulankan ayaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka iyo xuduudaha, si looga diyaar garooba cadow ku taamaya in ay waxyeelaan Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka xun horuumarka iyo guulaha Qarankani ku tallaabsaday.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

admin