Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Kulan Muhiima Xafiiskiisa kula Qaatay Madaxda Mashruuca JPLG ugu Saraysa

Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Kulan Muhiima Xafiiskiisa kula Qaatay Madaxda Mashruuca JPLG ugu Saraysa

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa shir muhiim ah la qaatay Madaxda ugu saraysa Mashruuca Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa si wada jir ah u soo dhoweeyey masuulka cusub ee loo soo magacay Madaxa Mashruuca JPLG (JPLG Program Manager Mr. Petrus Vaderol)
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa si wada jir ah ugu mahadnaqay Madaxii hore Mashruuca JPLG Mr Paul oo ay muddo soo wada shaqaynayeen Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Hay’adda kale ee Dawladda.

admin