WAR-SAXAAFADEED : Dowladda Somaliland oo Ka Hadashay Saaka Weerar Maamulka Butland Ku Soo Qaaday Jiida Hore iyo Jawaabtii Ciidanka Qaranka

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-02-27-2023()- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye
Wasiirka Gaashaandhiga JSL

admin