Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Simaliand ayaa kulan muhiim ah maanta la yeeshay, Taliyayaasha ciidanka booliska

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed, oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Simaliand, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo-gale) ayaa kulan muhiim ah maanta la yeeshay, Taliye Kuxigeenka Koobaad, Taliye Kugeenka Labaad, Saraakiisha Sarsare, Hogaamada, Taliye Qaybeedyada iyo Taliyeyaasha Saldhigyada Ciidanka.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd dardar gelinta iyo xoojinta Amniga, iyada oo diirada lagu saaray sidii loo sii joojin lahaa guud ahaanba Amniga dalka oo dhan, taasoo ka mid ah waajibaadka saaran Ciidanka Booliska Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL,isaga oo fulinaya waajibkiisa shaqo ayuu kulankan muhiim ka ah la qaatay madaxda ugu saraysa Ciidanka Booliska Somaliland.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa u xilsaaran Amniga Qaranka, waxaana hoos yimaada qaybaha kala duwan ee hay’addaha qaabilsan Amniga Qaranka. Kulankan ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan iyada oo la isla qaatay in la xoojiyo Amniga guud ahaanba.
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL
May be an image of 2 people and people sitting
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 4 people
May be an image of 5 people
May be an image of 5 people and people standing
admin