Hargaysa(MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka si rasmiya u furay Shirka maamul wanaaga arrimaha dawlada, kaasi oo aalaaba lagaga wada hadlo maamulwanaaga iyo isku xidhka haayadaha iyo dawladaha qaadhaan bixiyayaasha ah.
Shirkan oo dhawrkii biloodba mar la qabto ayaa waxaa kasoo Qayb Galay Wasaaradaha daakhildiga, qorshayta , maaliyada , cadaalada, Khaarajiga iyo haayadaha la xidhiidha arrimaha nabadgalyada iyo xidhiidhada caalamiga ah .
Muhiimada guud ee Shirkan ayey ujeedadiisa ugu weyni tahay isku xidho haayadaha iyo dawladaha qaadhaan bixiyayaasha ah iyo xukuumada dawlada Somaliland inay ka wada shaqeeyaan arrimaha ku xusan qorshaha qaranka oo ka kooban shan qaybood oo ay kamid yihiin, Cadaalada, Xuquuqul Iinsaanka, Nabadgalyada , Arrimaha Khaarajiga , Maamul Daadajinta Iyo Buplic Resources-Ka.