Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Xafiiskiisa Shir Kula Qaatay Madaxda EU,da.

Hargaysa (xafiiska Af-hayeenka )- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay masuuliyiinta ka socda midowda Yurub Ee marka Magacooda Lasoo gaabiyo loo yaqaano EU.
shirkan Oo ahaa mid warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha Guud Ee Amniga.

Halka dhan midawga yurubna ay ka socdeen
Safia Abdi, oo ah madaxa mashaariicda dawladaha hoose iyo maamul daadajimta, Anders Djurfeldt, oo ah madaxa mashaariica socdaalka, barakacayaasha ee Midowga Yurub. Iyo Adnan Hagoog, oo ah Xafiiska Midowga Yurub ee Hargeisa.

Shirkan ayaa mudadii uu socday Waxa laga hadlay mashaariica EU ka taageerto Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL kuwaasi oo at kamid yihiin horumarinta dawladaha hoose, maamuldaadajinta iyo Sidoo kale mashruuc cusub oo loogu talo galay hurimarinta magaalada berbera kaasi oo qayn kanoqondoona mashruuca weyn Ee Barbara koori dhoor.

admin