Logo
  • Home
  • About Us
    • Our Mandate
    • Vision And Mission
    • Welcome Message
  • Department
    • Department Of Administration and Finance
    • Department Of Birth Certificate
    • Department Of Media
    • Department Of Pllanning
    • Department Of Security
    • Department Of Traditional Elders
  • Directorates
    • Directorate of Coastal Guards
    • Directorate of Imigration
    • Directorate of Local Government
    • Directorate of Police
  • News
  • Video
Hot News
  • News Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga Jsl oo Xafiiskiisa kulan Gaara kula Qaatay Guddida isku Dhafka ah ee Hirgelinta Caymiska Gaadiidka
  • News Xukuumadda Somaliland oo Qalabka Casriga ee (RIS) oo Ciiddanka Qaranka Jsl Lagu Diwaangelinaayo la Wareegtay
  • News Dowladda Somaliland oo Ka Hadlay Maleeshiyaadka Huwanta ee Nabaddiidka oo Weerar ku Soo Qaaday Dad Shacab oo Reer Guuraaya
  • News Shirka Qorshaha 5ta Sanno ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo Hargeysa Lagu Qabtay
Shirka Dib U Heshiisiinta iyo Nabadaynta Ee Beelaha Koonfurta Gobolka Sool Oo Maanta Markale Si Rasmiya Ugu Furmay Magaaladda Laascaanood+ Sawiro

Shirka Dib U Heshiisiinta iyo Nabadaynta Ee Beelaha Koonfurta Gobolka Sool Oo Maanta Markale Si Rasmiya Ugu Furmay Magaaladda Laascaanood+ Sawiro

30 September, 2018
News
1289

Laascaanood (MOI)- Shirka dib u heshiisiinta iyo nabadaynta beelaha koonfurta Gobolka Sool ayaa saaka ka furmay magaalo madaxda gobolkaasi ee Laascaanood,kadib muddo 7 cisho ah oo shirku fasax galay loona fasaxay shirar gaargaara oo beelugu dhexdooda lahaayeen,
beelahan oo uu dhex maray dagaal geystay khasaaro badan oo naf iyo maalba leh ayaa saaka garnaqiisa iyo kala gurka wixii kala gadhay loo saaray gudi cullimo ah kuwaasi oo dhegaysan doona gudiyo ka kala socda beelaha diririrtu dhexmartay.

Wefti balaadhan oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda prof; Yaasiin X. Maxamuud Xiir (faratoon), wasiirka Horumarinta biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore, taliye ku-xigeenka ciidanka bileyska Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa in mudo ahba u jooga gobolka sool, xallinta dagaalkan sokeeye ee dhexmaray labadan beelood ee walaaha ah. Shirkan ayaa sidoo kale waxa iyaguna ka soo qaybgalay cuqaasha, waxgaradka iyo waayeelka labada beelood ee dirirtu dhex martay.

Ugu horeyn waxa shirkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Sool C/rashiid Xuseen Cabdulle (gargaar), waxaanu munaasibadaasi ka sheegay habsami u socodka shirkani iyo dardaaran ku wajahan labada beelood ee walaalaha ah. Dhanka kale gudoomiyuhu waxa uu ka soo qabygalayaasha ugu baaqay in ay dedaal dheeraad ah ku bixiyaan daminta iyo boogo-dhayista dagaalkan iyo sidii ay nabada uga shaqayn lahaayeen.
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ayaa shirkaasi ka soo jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa taasi oo uu kaga sheekeeyey colaadan iyo dhibka ay ku keentay bulshada kala duwan ee degan deegaanadaasi aynu soo sheegnay. Dardaaran iyo hogo-tusaalayn dheer oo uu wasiirku u soo jeediyey cuqaasha labada beelood ee dirirtu dhex martay ka dib waxa uu halkaasi ka sheegay nuxurka ugu weyn ee maanta shirkani daaranaa, kaasi oo ahaa; guda-galka dhegaysiga dacwadaha labada dhinac iyo cida loo xil saaray in ay hawshaasi fuliso iyo waxyaabaha looga baahan yahay labada dhinac ee is haya, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; maanta laga bilaabo waxan dhegaysiga iyo ka garrniqista dhacdooyinkaa colaadeed ku wareejinaynaa Gudi hawshaasi gasha kuwaasi oo iskugu jira Cullimada iyo garaadada gobolka sool waxaanay tiradoodu ka kooban tahay 20 xubnood. Dhanka kale waxan soo xulnay ergooyinka labada beelood uga qaybgali doona shirkaasi kuwaasi oo tiradoodu ka kooban tahay midkiiba 21 oday, sidaa darteed waxan maanta idiin cadaynayaa in hawshaasi ay si rasmi ah u wadi doonaan gudidaasi, ka xukuumad ahaana waxan kala shaqayn doonaa wax kasta oo ay nooga baahdaan, waxanan si mug leh u fullin doonaa go’aamada iyo xukunada ay gudidani soo saaraan.

Wasiirk wasaarada waxbarashadda Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadalay, waxaanu aad ugu dheeraaday maxsuulka iyo foolxumada uu keenay dagaalkan sokeeye ee dhexmaray labada beelood, waxaanu sheegay in dagaalkaasi u soo jiiday guud ahaan bulshada gobolka sool ceeb iyo wax aan dhaqan ahayn, sidaa darteed waxa uu wasiirku kula dardaarmay odayaasha, cuqaasha, garaadada iyo waxgaradka bulshaweynta gobolka sool in dhan looga soo wada jeesto daminta colaadan.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa shirkaasi soo Afmeeray, waxaanu dardaaran u soojeediyey cuqaasha labada beelood ee shirkani loo qabtay. Waxaanu xusay in nabadu tahay furaha horumarka iyo badhaadhaha sidaa darteed waxa uu gudoomiyuhu bulshada gobolka sool oo dhan u soo jeediyey in laga wada shaqeeyo xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba nabada iyo wada noolaanshaha ummada.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay caaqilada labada beelood ee dirirtu dhexmartay waxaanay halkaasi ka cadeeyeen in ay raali ku yihiin shirkan iyo in ay nabad buuxda oo ay qaataan wakiil uga yihiin beelohooda iyo shacabka ay matalaan.
Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo kala ah; wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore, Taliye kuxigeenka Ciidanka Bilayska Sareeye guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle, gudoomiyaha gudida cullimada, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo masuuliyiin kale.

Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, indoor
Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, hat and indoor
admin
  • About Us 2
  • Department 3
  • Directorates 2
  • News 671
  • Uncategorized 13
  • Video 337
- Previous article
« Daawo: Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Boliska JSl Oo Amaro Culus Faray ciidamada Iyo Taliyaha Qaybaha G/Sool
Next article -
Daawo:Shirkii Nabadayta Beelaha walaalaha Ahee Koonfurta Gobolka Sool Oo Maanta Lagu Dhaariyey Ergada Labada Dhinac+ Sawiro »

Video

  • Taliska Guud ee Ciiddanka Qaranka Qaranka Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kooxaha Huwanta iyo Argagixisadda ee Laascaanood oo Deegaano Degm. Qori-Lugud ka Tirsan Soo Weeraray iyo Jawaabo Cashar oo La Siiyey
    Taliska Guud ee Ciiddanka Qaranka Qaranka Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kooxaha Huwanta iyo Argagixisadda ee Laascaanood oo Deegaano Degm. Qori-Lugud ka Tirsan Soo Weeraray iyo Jawaabo Cashar oo La Siiyey
    November 1, 2024
  • Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl Oo Kulan Gaara Xafiiskiisa Kula Qaatay Guddida Fulinta & Xildhibaanadda Dowladda Hoose Hargeysa
    Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl Oo Kulan Gaara Xafiiskiisa Kula Qaatay Guddida Fulinta & Xildhibaanadda Dowladda Hoose Hargeysa
    March 2, 2024
  • Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL  Oo Gobolka Awdal ka furay wada tashi ku saabsan Dardargalinta Geedi socodka Siyaasada Nabada
    Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Oo Gobolka Awdal ka furay wada tashi ku saabsan Dardargalinta Geedi socodka Siyaasada Nabada
    February 28, 2024
  • WAR-SAXAAFADEED :  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulanka amniga ee Dalka
    WAR-SAXAAFADEED : Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulanka amniga ee Dalka
    February 12, 2024
  • Hargeysa: Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Si Adag ugu Jawaabay Maamulka Muqdisho Ee Xasan Sheikh Madaxweynaha u Yahay 
    Hargeysa: Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Si Adag ugu Jawaabay Maamulka Muqdisho Ee Xasan Sheikh Madaxweynaha u Yahay 
    January 13, 2024
  • Madaweynaha Jamhuuriyadda S/land oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Shacabkana Uga Xog Waramay Heshiiskii Isfahamka ahaa Ee Itoobay
    Madaweynaha Jamhuuriyadda S/land oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Shacabkana Uga Xog Waramay Heshiiskii Isfahamka ahaa Ee Itoobay
    January 6, 2024
  • Addisababa : Heshiiska Is-Fahamka ee Ay Kala Saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland & Raysul Wasaaraha Dalka Itoobiya
    Addisababa : Heshiiska Is-Fahamka ee Ay Kala Saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland & Raysul Wasaaraha Dalka Itoobiya
    January 3, 2024
  • BURCO : Golaha Deegaanka ee M.  BURCO oo Xilkii ka Qaaday Mayorkii & Mayor ku Xigeenkiisii Doortayna Kuwo Cusub
    BURCO : Golaha Deegaanka ee M.  BURCO oo Xilkii ka Qaaday Mayorkii & Mayor ku Xigeenkiisii Doortayna Kuwo Cusub
    December 16, 2023
  • Gobolka Sool : Daawo Weftiga Wasiirada Xukuumadda Jsl iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Oo Taliska Oog ku Soo Dhoweeyey Ciidamo Cusub oo Tababar ku Soo Dhamaystay Dugsiga Sheikh.
    Gobolka Sool : Daawo Weftiga Wasiirada Xukuumadda Jsl iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Oo Taliska Oog ku Soo Dhoweeyey Ciidamo Cusub oo Tababar ku Soo Dhamaystay Dugsiga Sheikh.
    September 5, 2023
  • Muuqaal/Sawiro :Agaasimaha Guud ee Wasaarada A. Guddaha Jsl Tababar maanta u soo xidhay Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka ee Degmooyinka Boorama, Berbera iyo Gebilay
    Muuqaal/Sawiro :Agaasimaha Guud ee Wasaarada A. Guddaha Jsl Tababar maanta u soo xidhay Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka ee Degmooyinka Boorama, Berbera iyo Gebilay
    August 31, 2023
© All rights reserved 2014 - somalilandinterior.net.   Designed by RoyalwpThemes