Laascaanood (MOI)- Waftigii Ka Socday Xukuumada Somaliland Ee Uu Hormuudka U Ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Baashe Maxamed Faarax Kuna Wegelinayeen Taliye Ku Xigeenka Boliska S/Guuto C/Raxmaan Liibaan Fooxle Ayaa Ayaa Kulan Ay Warbaahintu Dabad Jog Ka Ahayd La Qaatay Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood Oo Uu Hormuud U Yahay Maayirka Magaaladu.
Markii Kulankanu Soo Dhamaaday Ayaa Waxaa Warbaahinta Ujeedada Kulanka Uga Warbixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Maayirka Magaalada Laascaanood, Iyaga Oo Bulshada U Sheegay In Kulan Kani Daaranaa Xogogaal Unoqoshada Horumarka Magaalada Iyo Sida Ay Dawlada Hoose U Shaqayse.
Intaasi Kadin Waftidu Waxaa Ay Kormeer Indho Indhayna Kusoo Mareen Sadex Goobood Oo Kala Duwan Isla Markaasina Laba Kamida Ay Maamusho Dawlada Hoose Kuwaasi Oo Kala Ah Xero Dhiigta Ama Goobta Xoolaha Lagu Qalo , Goobta Qashin Qubka Ee Lagu Gubo Qashinka Magaalada Iyo Sidoo Kale Iskuula Qadiimiga Ah Ee Boodhinka Laascaanood Oo Dib U Habayn Iyo Dayactir Balaadhan Lagu Sameeyey Qaybo Badana Lagu Kordhiyey.