Ceerigaabo (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Ahmed Ayaa galabta Hoolka Shirarka ee xarunta Gobolka Sanaag Kulan kula qaatay Sulaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag.
Kulankan Ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Waxaa ku Weheliyaan Agaasimaha Guud Ee Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Mukhtaar Maxamed Cali, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi, Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Cismaan Caali Tiinbaro, Maayirka Magaalada Ceerigaabo C/ramaan Xaaji Nuur .
Kulankan oo Qaatay Saacado kooban ayaa awooda lagu saaray xoojinta nabada Magaalada Ceerigaabo Iyo Guud ahaanba Gobolka Sanaag.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Duqayga, Sulaadiinta ,Cuqaasha Iyo Nin Garboodka Gobolka Sanaag Halkaasi uga jeediyey hadalo Dhaxal gal ah iyo hogotusaalayn ku qotomaha Nabadgalyada .