Ceel Afweyn (MOI)- Waxaa Galinkii Danbe ee maanta Faraagaha Degmada Ceel Afweyn uga Khudbadeeyey Bulshada ku Dhaqan Degmada Suldaanada, Cuqaasha, Boqorada, Culimada Iyo nin garboodka Labada Dhinac ee Beelaha walaalaha ah ee dhawaan deegaankaasi nabada loogu soo xidhay.
Waxaana ay bulshada si wada jira ay ugu sheegeen in mutamada deegaanadii colaadu ka jirtay ay ugu baaqayaan in nabadaa la qaatay ay adkeeyaan isla markaana tixgaliyaan go’aamadii shirka kasoo baxay ee nabada lagu kala qaatay.
Suldaanada, Cuqaasha, Boqorada, Culimada Iyo nin garboodka bulshada fagaaraha kala hadlay ayaa waxaa Ay Gacmaha Isku qabsadeen Sidii Ay dadweynaha u tusi Lahaayeen In Nabad La Qaatay,