Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Socdaal Kadisa Oo Indho Indhayna Ku Tagay Tuulada Fadhigaab+Sawiro.

Ceel Afweyn (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed Isaga oo Ka Duulaya In Deegaanadu Dhaqan galiyeen Go’aamadii Kasoo Baxay Shirkii Nabadaynta iyo kormeeradii wacigalinta ahaa ee Ergooyinka Nabadaynta, Ciidamada Kala Duwan ee Qaranaka iyo Sulaadiinta Iyo Cuqaasha labada Dhinac ku gaadhsiiyeen Awaamiirtii Go’ aamada shirka, waxaa uu maanta socdaal kadis ah oo indho indhayn ah ku tagay Tuulada Fadhigaab oo kamida meelaha Beelaha walaalaha ahi wada degaan.

Socdaalkan oo wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed uu ku wehelinayey Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Boos Mire iyo istaafka Kaaska u ah oo kaliyi waxaa uu 10 Duhurnimo ee maata ka anbo baxay Degmada Ceel Afweyn.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa markii uu gaadhay tuulada Fadhi Gaab waxaa uu kulamo la qaatay dadweynaha wada dega tuulada Labada dhinacba isaga oo ka xog waraystay sida ay usoo gaadheen go’aamadii shirka iyo inay sidii loo baahnaa u qaateen nabadii lasoo xidhay.

Wasiirku sidoo kale waxaa uu ku guugaabiyey dadweynaha deegaankay Inay iyagu is huran yihiin isla markaana ay nabadooda ilaashadaan oo si nabad galyo ah u wada degenaadaan una wada daaqaan dhul daaqsimeedka.

 

 

 

admin