Ceel Afweyn ( Xafiiska Afhayeenka)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Uu Hormuudka Ka Yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jsl Mudane Maxamed Kaahin Axmed Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha Mukhtaar Maxamed cali iyo wasiiro kale oo kamida xukuumada Jamhuuriyada Somaliland Oo Muddo 23 cisho ah Arrinta Nabadayta u Fadhiyey Degmada Ceel Afweyn ayaa ku guulaystay Xidhida Iyo Xasilinta Nabada Deegaankaasi oo colaado soo noqnoqday ay ka dhaceen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Agaasimaha Guud Ee Amniga Qaranka ee wasaarada Arrimaha Gudaha iyaga oo ka duulaya Masuuliyada iyo ahmiyada ay nabadu u leedahay qaranka iyo umada Reer Somaliland Iyo Xilka ay qarankan u hayaanba waxaa ay 07/7/2018 ka anbo baxeen Caasimada Somaliland ee Hargaysa, Iyaga oo usoo xadhko xidhay sidii ay nabad waarta uga dhex abuuri lahaayeen beelaha walaalaha ah ee Dagaalada soo Noqnoqday Ku Dhex Mareen Deegaanada Hoos yimaada Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Dararweyne.
Masuuliyiintan ayaa 08/7/2018 kusoo hoyday Guriga martida ee Degmada Ceel Afweyn halkaasi oo Ahayd goobka uu ka dhacayey Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ah . waxaana Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha Wehelinayey Ergooyin iskugu jiray Madax Dhaqameed iyo Culimo Kala duwan oo loosoo xulay Ka garnaqa Dagaalada Beelaha Deegaanka wada dega kuwaasi oo laga soo xulay deegaanada Somaliland oo dhan .
Kadib markii Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Ergooyinka Nabadayntu soo gaadheen deegaanka Ceel Afweyn waxaa ay guda galeen qorshaynta qaabka ay u guda gali doonaan Shirka Nabadaynta beelaha Walaalaha ah, waxaana ay maalin kadib shirkoodii ugu horeeyey ku qabsadeen Hoolka Shirarka ee guriga martida Degmada Ceel afweyn .
Waxaana ay halkaasi Ergooyinka Iyo Culimada Si Wada jira iskaga dhex doorteen Shir Gudoon iskugu jira Culimo iyo dhaqan Kuwaasi oo kala ahaa:
Dhanka Culimada:-
Xubnaha Shirguddoonka ee La Shaqaynayey Culimada :
Intaasi Kadin markii ay doorteen Shir Gudoonkan oo U Badnaa Culimada Iyo Xumno ka Caawinayey dhanka Dhaqanka oo tirahaan isku ahaa 16 Xubnood ayaa waxaa ay mar kale guda galeen Ajandaha Shirka waxaana ay isla qaateen in dhamaan xubnaha kale ee ergooyinku ahaadaan goobjoogayaan maamulida shirkana ay wadaan shir gudoonku halka ay culimadu kaas ugu ahayd goynta garta iyaga oo ku salaynaya shareecada islaamka.
15/7/2018 waxaa si rasmi ah u furmay shirkii nabadaynta Beelaha Walaalaha ah kaasi oo ay wasaarada arrimaha guduhu qabanqaabadiisa iyo masuuliyadiisaba ay lahayd. Waxaana si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku Xigeenka JSL.
Maalintaasi Furitaanka Kadib Waxaa Hawsha Habsami u Socodka Shirka La Wareegay oo Maamulayey Shir Guddoonka Shirka Halka ay Xukuumaduna Dibad joog Ha Ahayd oo ay qaabilsanayd amaanka guud iyo fulinta go’aamada Salka u Ahaa Habsami u Socodka Shirka,
Shirkan oo si habsami ah u soconayey muddo dhawr iyo toban cisho ah ayaa soo xidhmay maalinimadii shalay oo taariikhdu ay ahayd 01/8/2018 maalin arbaca ah waxaana shirkaasi lagaga dhawaaqay go’aamo kaladuwan oo ku kala waajibay labada dhinac ee gartooda loo fadhiyey waxaana halkaasi kaga dhawaaqay shir gudoonka Nabadaynta oo kamid ahaa Ergooyinkii iyo culimadii loo soo xulay nabadaynta Mushtamada deegaankani ku dhaqan kuwaasi oo wasaarada arrimaha guduhuna ku maamulaysay .
Go’aamada kasoo baxay shirkan nabadaynta oo Halkan hoose idiinku soo gudbin doono ayaa noqonaya kuwo sal u ah nabadaynta Deegaanka isla markaana ay fulintooda waajib ku tahay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyada oo adeegsanaysa Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranka iyo Laamaha Amniga.
Iskusoo soo wada duuboo shirkan noqonaya shirkii ugu ballaadhnaa ee noociisa ah ee lagu qabto degmada Cee- Afweyn sii loosoo afjaro colaada Beelaha Walaalaha ah Waxaana shirkan Maalinimadii shalay soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ,