Wafti iskugu jirta Wasiiro Saraakiil, ShirGudoonka Nabadaunta , sulaadiin Boqoro iyo cuqaal oo maanta Gacan Marin Iyo Samirsiin ku tagay deegaanka Ceeryaan.

Ceeryaan (MOI)-  Subaxnimdii  hore ee saaka ayaa waxaa  degmada ceel afweyn ka anbo  baxay  Wasiirada Ciyaaraha iyo Xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga , Shir Guddoonka Shirka Nabadaynta,  Abaanduulaha  Ciidamada Milatariga , Taliyaha Ciidamada BIrmadka JSl,  Sulaadiinta,boqorada iyo cuqaasha xidhayaasha u ah labada  dhinac   ee beelaha deegaanadaasi wada dega.

Waftidan ayaa u  anbo  baxay  deegaanka  Ceeryaan  Halkaasi  oo Sulaadiinta, Boqorada iyo cuqaasha  beesha  garxajis ku soo  samirsiinayeen  kuna  xaal marinayeen  Odaygii Dhawaan  shaqaaqadii  halkaasi  ka  dhacday  lagaga  dilay  labada wiil ee uu  dhalay. Sidoo  kalana  waxaa  ay  garawshiiyo  ka  bixiyeen  in gacantaa  gardarada  samaysay  ay  iyagu  lahaayeen  wax kasto oo  beesha walaalahood ahi ku  qancaysana ay  diyaan u  yihiin gogol nabadeeda u  fidinayaan.

Dhinaca  kale dhigooda  ay  u  tageen ayaa sheegay  inay ka  aqbaleen   beesha  qarxajis  isla markaana ay  uga fadhiyaan  nabadaasi samirna ka qaateen  ragii  ka  dhintay  ee  walaalahood ka  dileen  siday  toontaba haku  timaadee.

Sidoo Kale  waxaa  halkaasi  ka  hadlay  culimada shir gudoonka  shirka  nabadaynta nabadaynta  ee ka  socda degmada Ceel Afweyn Sheekh Mamaxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Sheekh  Berbaraawi  oo aad ugu duceeyey  odaygii  wiilashu  ka  dhinteen  ee ka samray  iyo beeshii ay  ka baxeenba sida tolniimada iyo walaalnimada leh ee aanay  cidna ugu  aarin  hadana  walaalahood uga aqbaleen  gogosha  nabadeed.

Ugu Danbayn waxaa  halkaa hadalo  dardaarana  u jeediyey  wasiirada  Ka  Socday Dhinaca Xukuumada oo kala  ahaa  wasiir  Xasan Gaafaadhi iyo  wasiir Boos Mire  oo  bulshada  kala  hadlay  inay  nabada ilaaliyaan  oo  calooshooda  isku  saafigareegaan  maanta hadii  walaalahood xaq daradii  qirteen oo gacantoodi  soo gaadhayna  tahay  sifo  fiican oo ku  dayasho  mudan.

   

 

 

admin