Ceel Afweyn (MOI)- Wafti Balaadhan Oo Iskugu Jira Xukuumada Iyo Ciidamada Qaranka Iyo Birmadka Ayaa Saaka Kormeer Iyo Hawl Galo Ku Kala Bixiyey 16 Tuulo Oo Hoos Yimaada Degmada Ceel Afweyn Kuwaasi Oo Ay Degaan Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawaan Colaadu Dhex Martay Isla Markaana Ergada Nabadayntu Xalintooda U Fadhido Degmada Ceel Afweyn.
Waftidan Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Ayaa U Kala Qayb Sanaa Laba Qaybood Kuwaasi Oo Guud Ahaan Tuu Wasiirku Hogaaminayey Isla Markaana Kala Ahaa Wafti Iskugu Jira Ciidamada Birmadka Iyo Milatariga Oo Hawlgalo Fulinayey Iyo Dhinaca Kale Oo Ahaa Wasiirada Xukuumada Oo Kormeer Fulinayey.
Wasiirka Warrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Waxa Ku Wehelinayaan Wasiirada Deegaanka, Arrimaha Bulshada Iyo Shaqo Galinta, Xanaanada Xoolaka Iyo Kalluumaysiga, Ciyaaraha , Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Iyo Abaan Duulaha Labaad Ee Ciidamada Qaranka.
Halka Waftida Kale Ee Ciidamada Qarankana Ay Hogaaminayaan Hogaanka Ciidanka Birmadka Somaliland Iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Ee Ciidanka Mila Tariga
Kormeerkan Iyo Hawlganka Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loo Fulinlahaa Go’aamadii Kasoo Baxay Shirguddoonka Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Kaasi Oo Ahaa Inaan Deegaanada Labada Reer Wada Dagaan Aan Lagu Arag Wax Ciidan Urursan Ah Iyo Nin Hubsita Toona.
Tuulooyinka waftidu soo mareen ayaa waxaa kamid ahaa :