Shirka nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah ee Deegaanka  Ceel Afweyn  Oo Maanta  Labada dhinac  lagu  dhaariyey.

Ceel Afweyn (MOI)-  Shirka Nabadaynta Beelaha Deegaanka Ceel Afweyn ee Baryahanba Ka Socday  Deegaanka  Degmada CeelAfweyn  ayaa  maanta Si  habsami  ah  Loogo  dhaariyey  labada Dhinac  ee colaadu  dhex martay.

Shirka oo  saaka  si  habsami ah  u  bilaabmay  ayaa  ugu  horeyn waxaa shirka  furay  afhayeenka  Shirgudoonka   Sheekh Ismaaciil Dheeg  waxaana  furitaanka  kadib   labada dhinac ka  dalbady  inay  shir gudoonka usoo  gudbiyaan   liisaska  labada dhinac laga dhaarina oo  dhan walba ah  21 Qof iyo  liiska  Garta  U  Galaya Labada Dhinac oo dhan walba ah  3 ruux.

Intaasi  kadib  waxaa  hadalo  la siinay  Boqor cismaan  Buurmaday Iyo Suldaan Cali Cumar Saalax  oo kasoo kala  deeda labada  dhinac  ee loo garnaqayey waxaana ay  halkaasi kasoo  jeediyeen  hadalo  ay  ku  dhiiri galinayeen nabada  iyo in  si bilaa turxaana  loo garamo.

Intaasi  kadib waxaa  khudbad  diinya   oo ku saabsan   culayska dhaartu  leedahay  Sheekh Berbaraawi  oo aad ugu  talax tagay  muhiimada dhaartu leedahay  iyo  kag  alle iyo dhan bini aadamanimaba .

Ugu  danbayna waxaa halkaasi  lagu  dhaariyey  min  21 ruux oo dhinac walba ah  sidaasi  kadibna  waxaa  loo balamay in  bari si toosa loo guda  gallo  Garnaqa labada dhinac.

admin