Ceel-afwayn(MOI) -Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayay ayaa galabta kulan isugu yeedhay dhamaan ergooyinkii ka qayb galaayay nabadaynta deegaanka ceel-afweyn,shirkani oo kasoo qayb galeen salaadiinta ka kala socday dhamaan gobolada somaliland,culimada caanka ah ee Somaliland iyo waftiga madaxweyne ku-xigeenka oo ka koobnaa Wasiirka arrimaha guddaha,iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Madaxweyneku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in qasdiga iyo ujeedka kulankani uu yahay sidii loo qaabayn lahaa wada xaajoodka lala gali doono labada dhinac ee dirirtu dhex martay,waxaanu M/ku-xigeenku sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in mudo kooban lagu soo af-jaro xaaladdan.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ku hadlay afka ergooyinka ayaa sheegay sida ay muhiimka u tahay hawsha ay waftidani u socoto,islamarkaana waxa uu aad ugu dheeraaday dadaalo xoogan oo ay sameeyeen mudadii ay joogeen ceel-afweyn isagoo niyad wanaagsan ka muujiyay xaaladda ceel-afweyn oo uu sheegay in ay meel wanaagsan wax u marayaan.