Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland OoXafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxda Haayadda ICECE.

Hargaysa (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland maxamed Kaahin Axmed Oo Ay Weheliyaan Xubno Kamida Madaxda wasaarada ayaa Saaka Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxda haayada International Centre of Excellence to Counter Extremism (ICECE) oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee haayadaasi.

Madaxda haayada ayaa ka koobnaa Sadex masuul oo kala ah Mak Chishty oo ah Agaasimaha Guud (Director General), Gerry Campbell oo ah agaasimaha hawlgalada (Director of Operations) iyo Mohamed Yussuf Ali oo ah Agaasimaha u qaabilsan Afrika ( Director for Africa.)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa madaxda haayada Warbixin kasiiyey Qariida Somaliland iyo xuduudaha Dalka .

waxaana ay kulankan ay wada qaateen Madaxda haayada iyo wasiirka lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo Iskaasiga mashaariicda dhinaca horumarinta dalka.

  

 

admin