Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL  Oo Shir Lagag Hadlayo Nabadgalyada Iyo Mashaariicda Horumarineed La  Qaatay  Qaar Kamida Madaxda Haayadaha Dalka Ku Sugan.

Hargaysa( MOI)-  Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Maxamed  Kaahin Axmed Ayaa saaka xafiiskiisa Shir kula  qaatay  haayadaha  kala duwan  ee DANIDA, DDG, DRC, SEFER WORLD UNSOM Iyo EUCAP. Kuwaasi  oo  lamaantoodba  ah  haayadaha dalka ka  hawl gala ee  bixiya  mashaariicda  horumarineed  Wasaarada Arrimaha Gudahana  ka  taageera  dhinaca  nabad galyada  shaqeeya  nabadgalyada

Shirkan  ayaa u jeedadiisu  ahayd sidii  gobalada  bariga  Somaliland ee Sool Iyo Sanaag  Loogu  helilahaa   nabad waarta isla markaasina  loo  gaadhsiinlahaa deeqaha caalamiga  ah,  mashaariicda  horumarineed iyo  shaqo  abuur.  Si loo  jiheeyo  bulshada deegaanadaasi  oo u  badan xoolo  dhaqato  xoolihii ka  baxeen.

Dhinaca  kale  markii  shirkaasi  soo  dhamaadaya  ayaa  Madaxda Haayada Iyo Wasiirkuba waxaa  ay  galeen   shir  kale  kaasi  oo ay   kala  soo  qayb  galeen  Wasiirka Wasaarada Cadaalada , Agaasimaha Guud ee Gobolada iyo Degmooyinka , Agaasime waaxeedada Wasaarada, dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, iyo  HRC.

Kulankaasi oo  wakhti  dheer  qaatay  ayaa  aaraah iyo  fikiro  la isku  weydaarsaday  sidii  xal  loogu  heli lahaa nabada ,

admin