Hargaysa ( MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka Furay Aqoon iswaydaarsi muddo laba maalmooda socon doona oo ku saabsan Dib U Eegista waxqabadkii mashruuca GPLG ee horumarinta Degmooyinka Qaybaha koowaad iyo 2aad .
Aqoon Isweydaarsigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Arrimaha GUdaha ,Caafimaadka, Iyo Waxbarashada , Maayiradda Degmooyinka Hargaysa, Berbara , Gabiley, Burco iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha hawlaha guud , Caafimaadka Waxbarashada iyo sidoo kale shaqaalaha wasaaradaha kor ku suxan iyo qaar kamida xildhibaanada golaha degaanka.