Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Dhul-daaqsimeedka Degmada Daarasalaam Ka Fuliyey Seero baabiin.

 Hargaysa(MOI)- Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Iyo Wafti Uu Hogaaminayo ayaa saaka u anbo Baxay Hawlgal lagu  Baabiinaayo Dhul Daaqsimeeka  seeraha  laga  dhigtay ee Degmada Daarasalaam oo Magaalada  Hargaysa Waqooyiga ka xigta.  
Hawlgalkan   ayaa ah mid ay  iska  kaashadeen  Wasaarada Arrimaha Gudaha , Wasaarada Deegaanka iyo  Badhasaabka Gobolka Baroodi Jeex kaasi  oo  guud  ahaanba  lagu  baabiinaayey   dhulka  laga  ootay  ama laga  seestay  wadada mitirka wixii  waqooyi  ka  xiga  taasi  oo ah  madihii  ingiriisku  ku  kala  xadeeyey   dhul  daaqsimeedka  iyo  magaalada.
 
Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha gudaha MUdane Maxamed Muuse Diiriye Oo Warfidiyeenka Kula Hadlay Xadka Dhulka aan loo ogolayn seeraha sharci darada ah ee layska ootay ayaa ayaa sheegay in maanta laga bilaabo aan la ogolay dhul la ootay ama la kaabadeeyey oo waqooyi ka xiga maddihii ingiriisku dhigay wadada Mitirka. isla markaasi la baabiin doono dhulkaasi loona aqoonsan yahay dhul daaqsimeed aan cidi lahayn.
admin