Hargaysa(MOI)- wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Saaka Warfidiyeenada Uga Warbixiyey waxyeeladii uu gaystay Roobkii xalay ka Da’ay caasimada Somaliland ee Hargaysa.
shirkan jaraa’id ayaa ka qabsoomay xafiiska wasiirka arrimaha gudahasubaxnimadii saaka waxaana wasiirku si mug leh uga warbixiyey waxyeeladii uu gaystay roobkii xalay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa shirkiisa Jaraa’id ee uu saaka warfidiyeenada kula hadalay waxaa uu fariin digniin ah u diray Darawalada gaadiidka iyo sidoo kale shirkadaha laydhka .
wasiirka ayaa sheegay in la guda galay xili roobaadkii isla markaana laga digtoonaado waxyeelada ay daadadku sababi karaan isaha oo darawalada ku booriyey inay naftooda iyo bulshada ay sidaanba u tudhaan oo dooxyada iska ilaaliyaan halka shirkadaha laydhkana uu uga digay inay xadhkaha laydhka iyo birahaba adkeeyaan si aanay waxyeelo u keenin.