Waftidii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Gudidii Nabadaynta Ee Golaha Guurtida Ayaa Maanta Fagaaraha Degmada Ceel Afweyn Kala Hadlay Bulsha Weynta Deegaanka Si Loo Gaadhsiiyo Goaamadii La Isla Qaatay.+Sawiro

Ceel Afweyn(MOI)-  Wasiirka  Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo  Gudida  Nabad Galyada Ee Golaha Guurtida Jsl  Ee  Arrimaha  Nabada U  Joogay  Degmada Ceel  Afweyn  Oo  Ay  Weheliyaan  Gudiyada  Labada Beelood Ee Colaadu  Dhex Martay  Iyo  Culima U Diinka  Dalku Ayaa Saaka   Fagaaraha Degmada  Ceel   Afweyn  Kala  Hadlay   Bulshada Deegaanka.

Kulankan   Fagaaraha  La Iskugu Yeedhay   Bulshada Qaybaheeda  Kala  Duwan  Ayaa Ujeedadiisu  Ahayd  Sidii  Maatida Iyo   Bulshada Inteeda  Kale Loo  Gaadhsiin Lahaa Go’aamadii  Labada Beelood Ku   Heshiiyeen  Isla Markaasina  Nabada  Lagu  Soo  Xidhayey.

Degmada Ceel Afweyn Ayaa  Saaka  Guud  Ahaanba  Aad  Moodaysay  In   Bandoo  Lagu Soo Rogay    Waxaa Xidhnaa  Dhamaanba  Meheradaha  Sidoo  Kale Waxaa Lasoo  Dareeriyey   Dhamaan  Ardayda Iskuulada  Waxaana  La Iskugu  Soo   Baxay  Barxada  Fagaaraha U  Ah  Degmadaasi   Halkaasi  Oo  Ay  Bulshada  Kala Hadlayeen   Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed , Gudida  Nabad Galyada Ee  Golaha Guurtida  Iyo  Gudiyadii  Labada  Reer Ee Dirirtu  Dhex Marta Oo  Ay  Weheliyaan  Xidhayaashoodii.

Waxaa  halkaasi  bushada  uga  akhriyaey  qodobadii  laysla   qaatay  Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo kamida gudida Golaha  guurtida . qodabada  kadibna  waxaa   bulshada  la  hadlay   odayaasha  gudida ah ee  labada beelood  oo  bulshada u   sheegay inay  go’aankaasi  qaateen  iyaguna  ay  la qaataan  cidii  ka  hor timaadana  ay   sharciga  la  tiigsan  doonaan .

Dhinaca  kale  culima udiinka  deegaanka  iyo  culimo  badan  oo  qurush ahaan  ugu  soo  baxay  ayaa  halkaasi  bulshada  ka  wacdiyey  ugu   danbayna waxaa  shacbiga    halkaasi   kala  hadlay  wasiirka  arrimaha gudaha  Somaliland   Maxamed  Kaahin  Axmed  waxaana  uu  ku   bogaadiyey  sida  wanaaga  iyo  sharafta  leh  ee ay   bulshada iskugu  soo  bahday  una  qaateen  nabada  iyo  qodobadii  lagu  heshiiyey.

Wasiirku  isaga oo  hadalka sii  wata  waxaa  uu bulshada u  sheegay in cidii maanta laga  bilaabo  nabada  ka  hor timaada  gacan bira  lagu  qaban doono.

Bulshada  Ayaa  Sidiiran  Usoo  Dhaweysay  Go Aamada   Xukuumadu  U  Dhigtay  Labada  Dhinac   Waxaana  Ay  Sidoo  Kale  Ku  Qayliyeen   “Roobeey  Nabadeey”

Waxaa Ay  Mudahaaraad  Salmi Ah  Ugu  Dabaal  Dageen  Nabadaasi  Xidhantay  Iyaga  Oo Isku  Duuban.

admin