Ceel Afweyn(MOI)- Waftidii wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Gudidii Nagabadayta Golaha Guurtida Ee Arrimaha Nabadaynta u Joogay Deegaanka Ceel Afweyn ayaa Maanta Soo af Jaray Nabadaynta Labada Beelood ee Walaalaha ah ee deegaamada hoos yimaada Degmada Ceel Afweyn.
Munaasubada lagusoo afjarayey nabadaynta ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee guriga martida ee Degmada Ceel Afweyn , waxaana munaasiba kasoo Gayb galay Badhasaabka Gobolka Sanaag, Gudida Nabadaynta Ee Golaha Guurtida, Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada , Gudiyada labada beelood ee dhawaan dirirtu dhex martay, Gudida xidhayaasha labada dhinac, culimada iyo waliba marti sharaf kale.
Munaasibadan ayaa waxaa hadalo guubaabo iyo waano ah ka jeediyey sulaadiinta iyo Jiif caaqilada labada iyo boqor buur madaw oo u kala hadlay labada reer halkaha dhinaca kuxuumadana ay goobtaasi ka hadleen Badhaasba Gobolka sanaag iyo Wasiirka Arrimaha gudaha MAxamed Kaahin Axmed oo Shirkaasi soo Xidhay.
Waxaana halkaasi Gudida Golaha guurtidu kasoo Jeediyeen Qodobada lagu xidhayo Nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah kuwaasi oo u dhignaa sidan hoos ku xusan.
GUDIDU GO,AAMISAY
IN CID KASATA OO GOYSA NAF BIL- AADAN SI BADHEEDH AH KUNA CADAATO WAA LOO DILAYAA SIDA KU XUSANHESHIISKA BEELAHA IYO SHAREECADA ISLAAMKA
WAXAA REEBAN IN GACAN KU DHIIGLAHA GAYSTAY FALKA DILKA AH LAGU GACAN SIIYO LALANA SAFTO,LA FAKIYO CID KASTA OO AY KU CADAATO WAXAA LA HORGAY NAYAA SHARCIGA
WAXAA WAAJIB AH IN CIDAA WAX GAYSATA EHELKIISA IYO CUQAASHIISU IN AY KUSOO QABTAAN GACAN KU DHIIG LAHA MUDO[ TODOBA CISHO GUDAHOOD AH}
WAXAANA LOO QABANAYAA CUQAASHA ,ODAYAASHA , IYO EHELKIISA
QOF KASTA OO KUCA FALAL WAXYEELI KARA NABAD GELYADA IYO XASILOONIDA DEGAANADA AY WADA YAALAAN LABADA BEELOOD EE BAHO IYO EDARAYS KUNA CADAATO WAXAA WAAJIB AH IN CIIDANKA NABAD GELYADU GACANTA KU DHIGAAN SI LOO HOR GEEYO SHARCIGA
NABAD GELYADA
DAWLADA AYAA KA MASUULA GUUD AHAAN NABAD GELYADA IYO AMAANKA SHACABKA JSL,GAAR AHAAN DEGAAMADA GO,AANKANI SIDA TOOSKAA U SAAMAYNAYO EE DEGMOOYINKA CEEL- AFWAYN ,DARAR WAYNE,GAR-ADAG,IYO BOHOL
WAXAA REEBAN SIDASHADA HUBKA SHARCI DARADA AH MID SHAKHSI,MID KOOXEED,IYO CIIDAN BEELEED HUBAYSAN
GOOB KASTA OO LAGU ARKO CIIDAN BEELEED HUBAYSAN WAXAA LOO AQOON SANAYAA DUULAAN WAXAANA LAGA QAADAYAA TALAABO CIIDAN OO HUBKA LAGAGA DHIGO WAXAANA MASUUL KA NOQON DOONA DHAMAAN KHASAARA KA YIMAAD BEESHII CIIDANKAA URURISAY
WAXAA MAMNUUC AH IN WADAR ,AMA SHAKHSI HUBAYSANI LASOO GALO MAGAALO ,TUULO,CEEL,IYO MEEL KASTA OO BULSHO ISUGU TIMAADO ; WAXAANA TALAABO KAQAADAYA CIIDAMADA
GAADIIDKA AY KU CADAATO IN LOO ISTIC MAALAYO ABAABUL DAGAAL,AMA GURMAD CIIDAN,QAADIS TAAKULO RAASHIN,SAANAD DAGAAL,SHIDAAL,I.W.M WAXAA LA WAREEGAYA DAWLADA JSL
GABI AHAABA WAXAA REEBAN HAYSASHADA NOOCYADA HUBKA CULUS EE UU UGU YAR YAHAY QORIGA BKM CIDII LAGU ARKO HUYBKA NOOCAAS AH,WAXAA LOO AQOON SANAYAA DANBIILE KHALKHAL GALINAYA NABAD GELYADA QARANKA WAXAANAY CIIDANKA NABAD GELYADU KA QAADAYAAN TALAABADA KU HABOON
DEGAANKA IYO DAAQA
SIDA KUCAD GO,AAMADII XUKUMADA EE KU TAARIIKHAYSNAA 21/09/2016 IYO HESHIISYADII BEELAHA KUNA CADEEYEEN IN AY U HOGAAN SAMAYAAN , WAXAA REEBAN IN DEGAAMADAA DHUL DAAQSIMEEDKA LAGA YAGLEELO MAGAALOOYIN,XIDHMOOYIN,TUULOOYIN,CESHIIMOOYIN,BARAAGO,IWM
DAGAALKII KADHACAY DEGMADA DARAR-WAYNE TARIIKHDU MAARKAY AHAYD 21/1/2018 EE SABABAY DHIMASHADA IYO DHAAWACA
WAXAA LAGA GO,AAMIYAY
IN SHAN IYO TOBANKA QOF EE KU DHINTAY DARAR WAYNE LAGU KALA LEEYAHAY
SIDEEDA NIN EE KA DHINTAY BAHO WAXAA LAGU LEYAHAY BEESHA ADERAYS
TODOBADANIN EE KA DHINTAY ADERAYS WAXAA LAGU LEEYAHAY BAHO
MAG BIXINTA WAXAA LOO RAACAYAA GO,AANKII HORE EE AY KU HESHIIYEEN LABADA BEELOOD EE EDARAYS IYO BAHO KUNA TAARIIKHAYSNAA 02/09/2017
AASKA SHAN IYO TOBONKII NIN EE KU DHINTAY DARAR-WAYNE WAXAA LAGA BIXINAYAA NINKIIBA KUN DOLAR OO LAGU BIXINAYO 11/3/2018 AXADA
JIFIDA OO DHAN SADEX IYO SODON HALAAD NINKIIBA LAGUNA BIXINAYO MUDO LABA BILOOD AH OO KABILAABANTA11/3/2018 KUNA EEG 11/5/2018
MAGTA INTA KALE EE HADHSAN WAXAA LAGU BIXINAYAA [LABA IYOTOBAN BILOOD KADIB ]OO KABILAAB MAYSA 11/5/2018 KUNA EEG 11/5/2019
BOONKA LA JABIYAY OO AY JABIYEEN BAHO WAXAA ISNA LABIXIN DOONAA 11/3/2018 OO AXAD AH
DHAAWACA
WAXAA LOO QABTAY DHAMAAN DADKII KU DHAAWAC DHACDADII DARAR-WAYNE 21/1/2018 IN MARKA AY GAADHO IN AY XAQMAAN IN LAGU XAQO SHAREECADA ISLAAMKA KUNA MUDAYSAN MUDO LIX BILOOD GUDA HOOD AH
DHAMAAN DHAAWACYADII SHAQAAQOOYINKII HORE WAX YEELADU KASOO GAADHAY WAA IN GUDIYADA LABADA BEELOOD EE HESHIISKAN IYO KUWII HORE SEXEEXAY WAA IN AY DHAMAYS TIRAAN BIXIYAANA XUQUUQDA DADKAASI ,WARBIXIN JOOGTA AHNA KASIIYAAN GUDOOMIYA GOBOLKA SANAAG
GO,AANKA BOON XIDHISTA
ANAGOO TIX GALIN IYO QADARINBA SIINAYNA GO ,AANKII BOON XIDHISTA KAAS OO AY KU SEXEEXAN YIHIIN SALAADIINTA, BOQORADA,IYO CUQAASHA LABADA BEELOOD EE BAHO IYO ADERAYS OO AY KU HESHIIYEEN IN LA KORDHIYO LANA CUSLEEYO BOON JABISTA SI XAKAME UGU NOQOTO NABAD GELYADA KAAS OO KU CAD HESHIISKA LABADA BEELOOD EE GO,AANKAN KU CAD HORE KUNA TAARIIKHAYSAN 8/3/2018
DEGAANKA, DEGAAMAYNTA, IYO DHUL DAAQEENKA
WAXAA SIDISII LOOGU DHAQ MAYAA GO,AAMADII XUKUMADU KASOO SAARTAY DHUL DAAQSIMEEDKA, DEGAANKA IYO DEGAAMAYNTA KUNA TAARIIKHAYSAN 5/9/2016 GO,AANKAASI OO DHAMAAN HESHIISYADII BEELAHUNA KU CADEEYEEN IN AY U HOGAAN SAMAYAAN
XUKUMADA
CID KASTA OO MASUUL QARAN AH HEER QARAN,HEER GOBOL,HEER DEGMO,HEER TUULO IYO CIIDAMADA QARANKA NOOCYDIISA KALA DUWAN EE AY KU CADAATO IN AY QAYBKA YIHIIN HURINTA COLAADAHA AMA AY KA MUUQATO XIL GUDASHO LA,AAN IYO MASUULIYAD DARO WUXUU MUTAY SANAYAA TALAABO SHARCIGA WAAFAQ SAN
FULINTA IYO DABA GALKA; GO,AAMADAA WAXAA U XIL SAARAN
BOQORKA,IYO SULDAANKA IYO GUDIYADII LA DHAARIYAY EE WADA XAAJOODKA UGA QAYB GALAY
MAAMULKA GOBOLKA SANAAG
WAXAANA KU DABA JOOGAYA FULINTA GO,AAMADAN GOLAHA GUURTIDA IYO XUKUMADA JSL
FG:
GO,AANKAN WAXAA KULI FAAQAN DHAMAAN GO,AAMADII IYO HESHIIS YADII LAGA GAADHAY DHAMAAN DHACDOOYINKII DARAR-WAYNE IYO CEEL AF-WAYN;
DHAMAAN MAGWAYNTII HORE IYO DHAWACYADII WAA IN AADKU DHAMAYSAAN KAHOR MUDADA MAG WAYNTAN DANBE
ALLAA MAHAD LEH
MAGACYADA GUDDIDA GOLAHA GUURTIDA EE NABADAYNA EE C/AFWAYN
XIL.SICIID C/LAAHI YASIR ———————————————————-
XIL.DIINI C/LAAHI HANDE———————————————————-
XIL.MAX,ED SHIRE FAARAX———————————————————
XIL.BEDEL SH.KHALIIF SH. XASAN————————————————-
XIL.XIRSI CIISE JAMAC—————————————————————-
XIL.CALI MAX,ED X.HURUUSE——————————————————-
XIL.JIRDE SICIID MAX,ED—————————————————————
XIL. C/RAXMAAN QAWDHAN MUXUMED———————————————-
XIL.XASAN CUMAR AXMED—————————————————————
XIL.MAX,ED C/RAXMAAN MAX,ED——————————————————-
XIL.AXMED DAAHIR MAX,UD[JIRDE] GUDOMIYAHA GUDDIDA —————————
[ XOGHAYAHA GUDDIDA] CUMAR MAXAMED FAARAX ————————————————-