Ceel Afweyn (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Gudida Nabad Galyada Ee Golaha Guurtida Ee Arrimaha Nabada Galyada U Joogay Deegaanka Degmada Ceel Afweyn Ayaa Maanta Galinkii Danbe Shir La Yeeshay Maamulayaashada Iyo Maclimiinta Iskuulada Oo Ay Weheliyaan Waalidiinta Ardayda Iskuuladaasi Dhigata Kaasi Oo Ka Qabsoomay Barxada Hore Ee Guriga Martida Ceel Afweyn.
Shirkan Oo Lagaga Hadlaayey Xaalada Iskuulada Ay Ku Keentay Shaqaaqadii Dhawaan Ka Dhacday Koonfurta Degmada Ceel Afweyn Ee Dhex Martay Beelaha Walaalaha Ah Ee Deegaankaasi Wada Dega Oo Dhalisay Kala Qaybsanaan Dhinaca Ardayda Iyo Macalimiinta Ah.
Shirkan Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Odoyaasha , Waxgaradka,Macalimiinta Iyo Waalidiinta Ardayda Kuwaasi Oo Dhamaantodba Ka Hadlay Dhibaatada Iyo Sida Ay Goobaha Waxbarashada U Saamaysay Shaqaaqadii Dhawaan Dhacday, Oo Dhalisay In Ardaydu Iskuulada Ku Kala Qaybsamaan Oo Macalimiintu Kala Qaybsamaan Isla Markaana Ay Maanta Diyaar U Yihiin Inay Gacmaha Isku Qabsadaan Sidii Ardaydaasi La Iskugu Celinlahaa Iyaguna Gacmaha Isku Qabsan Lahaayeen
Sidoo Kale Waxaahalkaasi Ka Hadlay Xubin Kamida Gudida Golaha Guurtida Ee Nabadaynta U Jooga Deegaanka Degmada Ceel Afweyn Waxaana Uu Sheegay In Dumarku Ay Yihiin Lafdhabarta Bulshada Oo Ay Galabta Goobtan Ay Ragu Ku Yaryihiin Taasi Ay Cadaynayso Ahmiyada Iyo Waalidiintu Siiba Dumarku Siinayaan Caruurtooda . Dadkuna Way Kala Raad Qabow Yihiin Waxaan Filayaan Maxamed Kaahin Inuu Raad Qabawyahay Hawlihii Oo Dhamina Waa Dhamaanayaan Cid Walbana Wuu La Hadlay,
Ugu Danbayn Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Waalidiinta Iyo Macalimiinta Ku Guubaabiyey Inay Ka Shaqeeyaan Nabada Iyo Sidii Jiilka Yaryar Ay Uga Saari Lahaayeen Colaada Gacmahana Isku Qabsadaan Wada Jirta Iyo Wada Noolaanshaha Deegaanka.