Ceel Afweyn (MOI)- Waftidii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo gudidii golaha guurtida Somaliland ee arrimaha nabadaynta u joogay degmada Ceel Afweyn ayaa manta guda galay wajigii labaad ee dhexdhaxaadinta labada beelood ee walaalaha ah .
Kulankan oo aya manta kasoo qayb galeen Maagirka Ceerigaabo ISmaaciil Xaaji nuu , Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Cismaan Caalin Tiinbaro, Guddida Nabadayta ee Golaha Guurtida , Cuqaashada iyo waxgaradka labada reer ee colaadu dhex martay , Culimada Gobolka, Gudida ololaha Nabadgalyada ee Haween Weh=ynaha Golbolka , ururrada Dhalin Yarada , gudoomiyaha Xeer ilaaliyayaasha Maxkamada degmada Ceel Afweyn , Saraakiisha Ciidamada Boliska Iyo Qaranka .
Kulankan oo ku bilaabmay jawi degan ayaa lagu lafa guray xurgufta labada reer dhextaal waxaana halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Sanaag , Guddoomiyaha Gudida Golaha Guurtida, Haweenka, dhalinyarada iyo xubno u kala hadlay labada dhinac iyo boqor buur madaw waxaana dhamaantoodba iska daba mareen in nabadu lagama maarmaan tahay una baahanyihiin heshiis iyo nabad.
Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in wali dan laga leeyahay nabada beelaha walaalaha ah isla markaana manta ay cid waliba joogto hadii ay hore uga gaabiyeen reeraha kale ee la dagana ay baantaba golaha fadhiyaan.
Waxaana shirku kusoo dhamaaday guul iyo maalinta sabtida oo loo balamay in nabada lasoo xidho dhan walbana laga dhaariye markii 4aad 21 xubnood isla markaana la keeno dadkii dadku ka dhinteen , iyo qolo walba xidhaheedii.