Ceel Afweyn(MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland MAxamed Kaahin Axmed iyo Laba Xubnood kamida gudida Golaha Guurtida Somaliland Ee Arrimaha Nabadaynta U Jooga Deegaanka Ceel Afweyn ayaa maanta Galinkii danbe kulan la qaatay Haween Waynaha Deeganka Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo Iyo Ceel Afweyn.
Kulankan oo ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Guriga Martida ee Degmada Ceel Afweyn ayaa lagaga hadlay doorka ay haweenku ku leeyihiin daminta colaada soo noqnoqonaysa ee beelaha walaalaha ah ee koofurta degmada ceel Afweyn.
Waxaa ugu horeyn goobtaasi ka hadashay gabadh ku hadlaysay afka haweenka waxaana ay sheegtay inay haween ahaan gacan buuxda siin doonaan xukuumada iyo guurtida isla markaana ay kala shaqayn doonaan nabadgalyada deegaanka.
Xunaha golaha guurtida oo dhankooda halkaasi haweenka kula hadlay ayaa sheegayn in kulankan haweenku uu muhiim u yahay iyada oo dhibaatadu ku dhacdo maatida isla markaana waxa ay ku booriyeen inay ragooda ugu baaqaan nabada oo aanay ka qayb qaadan gacan siinta colaada.
Ugu danbayntii waxaa shirkaasi soo afmeeray Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL MUdane MAxamed Kaahin Axmed waxaana sheegay inuu aad ugu farxay haween weynaha deegaanka oo iskood isku soo abaabulay iyaga oo manta ka shaqaynaya nabad galyada deegaanka
Waxaana hadaladiisii kamid ahaa “manta waxaan la hadlay macalimiinta iskuulada waxaana ay ii sheegeen in deegaanka ceel afweyn ardayda dhigata iskuuladu ay yihiin qiyaastii ilaa 4,000,000 dabadeed waxaan ka fikiray in caruurtaas manta aan iskuulada tagin ee labada daamood loo kala raray inaan gaadiid ku gurno oo hargaysa gayno una qaybino 200 oo iskuul mid walba aanu gayno 30 arday oo uu wax baro sidoo kalana aanu arday walba ku qorno xaaafad uu la noolaado ilayn halkan nabadi ma taale.