Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Waftidii Uu Hogaaminayey Ee Nabadayta U Joogay Degmada Ceel Afweyn Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Dararweyne Ee Dirirtu Ka Dhacday.
Afweyn (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo waftidii uu hogaaminayey ee nabadaynta u joogay deegaanka Degmada Ceel Afweyn ayaa manta socdaal kormeera ku tagay deegaanka Dararweyne ee dhawaan shaqaaqadu ka dhacday.
Waftida ayaa saaka ka dhaqaaqday degmada Ceel Afweyn si ay uugu kuur galaan xaalada Ciidamada Qaranka , maatida iyo caruurta deegaankaasi lagaga yaacay, waxaana waftidu markii ay gaadheen dararweyne ay salaam sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka ee deegaankaasi u jooga sugida nabada beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi wada dega.
Waftida wasiirka arrimaha gudaha oo ka kooban xildhibaanada golaha guurtida , Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo waliba maamulka degmada ceel afweyn tuulada dararweyne kula hadlay ciidamada Milatariga ee jiidaasi ku sugan isaga oo wasiirku ku adkeeyey inay gacan bira ku qabtaan amniga iyo xasiloonida deegaanka isla markaana ay ku amran yihiin inay cidkasta oo Hubsidata sida Qori /Baastoolad ee lasoo gasha goobaha tuulooyinka ah, ama ceelasha laga wada cabo ay kala wareegaan hubka hadii ay dhiibi waayaan ay cudud u adeegsadaan.
Sidoo kale wasiirku waxaa uu ciidamada ku amray in hal qof wixii ka badan ee wadar gaadha ay u aqoonsadaan ciidan cadaw ku ah nabada.
Dhinaca kale waftidu waxaa goob fagaare ah iskugu yeedheen maatidii iyo caruurtii ku sugnayd deegaanka dararweyne iyaha oo guurtida , badhasaabka iyo wasiirkuba ugu baaqay inay nabada ilaashadaan oo ragooda iyo wiilashoodaba ku booriyaan inay hubka iska dhigaan.Ugu danbayntii waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay hooyooyin ka iyo xubno kamida maxasta deegaankani kusoo hadhay waxaana ay sheegeen inay nabada jecelyihiin dawladana ku garantaagan yihiin sidii ay nabada ugala shaqayn lahaayeen. Ilaahayna uga baryayaan inuu ku guuleeyo soo af jarida colaada.