Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Oo Magacaabay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Hargeysa

Hargaysa (MOI)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed ayaa Maanta Magacaabay  Xoghayaha Fullinta Dawlada Hoose ee Hargaysa .

Wareegtada Wasiirka Ayaa U  Qornayd Sidan.

DIGREETO WASIIR (No: 01/72/31/01/2018)
Magacaabis Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Hargeysa
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Markuu Arkahy: Qodobka 45aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka
Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Xeer No
23/2002 oo cadaynaya Magacaabista & xil ka qaadista
Xoghayaha Fulinta.

Markaan la tashaday: Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ay arrintani khusayso
Markaan Tixgaliyay: Ahmiyada uu Xoghayaha Fulintu u leeyahay Maamulka

Dawaladaha hoose ee Dalka

Markaan ku qancay: kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, isla
markaana hanan karo xilka Xoghayaha Dawlada Hoose
Waxaan go’aansaday in Mudane Axmed Yoonis Aadan Mire uu ahaado
Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Degmada Hargeysa laga bilaabo
Taariikhda Xeerkan.
Gudoomiyaha Degmadda Hargeysa waxaa la farayaa in uu Xilka si buuxda ugu
wareejiyo Xoghayaha Cusub ee loo soo Magacaabey Degmada.
Xoghayaha cusub ee Degmada loo soo magacaabay waxaa la farayaa in uu xilkaas
loo magacaabay si hufan u guto.

Allaa mahad leh

Jamaal Cabdi Muxumed
Madaxa Xafiiska Warbaahinta Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL

admin