DIGREETO WASIIR (No: 02/72/31/01/2018)
Magacaabis Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Gabiley
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
Markuu Arkahy: Qodobka 45aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka
Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Xeer No
23/2002 oo cadaynaya Magacaabista & xil ka qaadista
Markaan la tashaday: Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ay arrintani khusayso
Markaan Tixgaliyay: Ahmiyada uu Xoghayaha Fulintu u leeyahay Maamulka
Dawaladaha hoose ee Dalka
Markaan ku qancay: kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, isla
markaana hanan karo xilka Xoghayaha Dawlada Hoose
Waxaan go’aansaday in Mudane Mustafe Maxamuud X.Cabsiiye uu ahaado
Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley laga bilaabo Taariikhda
Gudoomiyaha Degmadda Gabiley waxaa la farayaa in uu Xilka si buuxda ugu
wareejiyo Xoghayaha Cusub ee loo soo Magacaabey Degmada.
Xoghayaha cusub ee Degmada loo soo magacaabay waxaa la farayaa in uu xilkaas
loo magacaabay si hufan u guto.
Madaxa Xafiiska Warbaahinta Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL