Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(MOI)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Kulan La Qaatay  ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.

Kulankan oo Maanta  Ka Qabsoomay  Xarunta Wasaarada Arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa  Wasiirka Ku  Wehelinayey wasiirrada arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Cadaalada ,Cabdiqani Axmed  Wasiirka Wasaarada Deegaanka  Shugri ISmaaciil Bandare, iyo waliba xubno  kale  oo kamida  golaha wasiirada

Kulankan  Uu Wasiirku La yeeshay  ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay ayaa ujeedadiisu  ahayd  is barasho  dardar galin  wada shaqaynta  golaha wasiirada .

admin