Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shir La Yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda+Sawiro

Hargaysa  (MOI)-  Wasiirka  Wasaarada Arrimaha  Gudaha  JSL Mudane Maxamed Kaahin Ahmed  oo ay  weheliyaan  Wasiir Ku Xigeenka  Wasaarada  Arrimaha Gudaha  Maxamed Muuse Diiriye  Iyo  Agaasimayaasha Guud ee Amniga Iyo Maamulka Shaqaalaha Gobolada iyo Degmooyinka ayaa  saaka   shir  la   qaatay  Shaqaalaha  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Shirkaasi oo ka  qabsoomay  Hoolka SHirarka ee  Wasaarada .

Shirkan  uu   kaasa  wasiirku la  qaatay  shaqaale weynaha wasaaradda  ayaa  ujeedadiisu  ahayd  isbarasho  iyo  is  xog waraysi kaasi  oo ay   kalaasi  ka   hadleen   xubno  kamida  shaqaalaha  wasaaraddu kagana  xogbixiyeen   hawlaha  shaqo ee wasaarada  iyo  waxtiyada ay  soo  shaqo tagaan.

Dhinaca  kale  agaasimaha  guud ee wasarada  Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur  oo  halkaasi  ka hadlay  ayaa  ka  xogo  faahfaahsan   wasiirka  ka siiyey  tirade shaqaalaha  iyo  waaxaha iyo madaxqeybeedada ay  wasaaradu  ku  kala   baxdo.

Ugu danbayna  waxaa halkaasi   shaqaalaha  kala  hadlay   wasiirku Xigeenka iyo wasiirka   Wasaarada Arrimaha  Gudaha .

admin