Hargaysa (MOI)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSl Mudane Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Saaka kulan La Qaatay Agaasimayaasha guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada Arrimaha Gudaha,
Kulankan uu wasiirku la yeeshay agaasimayaasha Guud Iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda oo uu ku wehelinaayey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa ujeedadiisu ahay Sii Wasiirku uga xog waraysan lahaa LAbada Agaasime Guud ee Wasaaraddu Leedahay iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Hirgalinta Qorshaha Wasaaradda Oo Ku Saabsan Xaga Nabad Galyada , Dhinaca Maamulka, Dhinaca Gobolada Iyo Maamul Fidinta Wasaaradda.
Wasiirka oo halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyeyna waxaa hadaladiisa kamid ahaa :-
“Maanta Waxaa Shirkan Iskugu Yimi Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Labada DG Ee Wasaarada Arrimaha Guduhu Leedahay Iyo Dhamaan Agaasime Waaxeedyada wasaaradda.
Kulankan Oo Ujeedadiisu Ahayd Inaanu Iska Xogwareysano Waaxaha Iyo Agaasimayaasha Guud Barmaamijyada Waaxaha Iyo Inaan Talo Wanaag Ka Yeelano Qaabka Iyo Hanaanka Hirgalinta Qorshaha Wasaaradda Oo Ku Saabsan Xaga Nabad Galyada , Dhinaca Maamulka, Dhinaca Gobolada Iyo Maamul Fidinta Wasaaradda Waana Kulan Guud Oo Inoo Socon Doona Ilaa Iyo Intaan Ka Kulmayno Kulan Guud Oo Shaqaalaha oo dhan ah.”