Hargaysa (MOI)- Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta Qaddo sharaf u shamaysay Badhasaabada iyo Maayirada dalka kuwaasi oo Muddo ku sugnaa GUdaha Caasimada Hargaysa .
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Ayaa qaddo sharaftay ku sharfay Dhamaanba Badhasaabada iyo Maayirada Gobolada kala duwan ee Somaliland .
Qaddo Sharaftan ayaa ahayd mid wasiirku ugu tallo galay amba bixinta Badhasaabada iyo Maayirada oo Caasimada u Yimi xafladii xil wareejinta labada wasiir iyo sidii wasiirka cusub ay u kala xog qaadan lahaayeen iskuna baran lahaayeen si shaqada qaranka halkii looga sii anbo qaado.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo Wasiirku u Wakiishay Munaasibadan Qaddo Sharafta ah ayaa halkaasi hadalo dardaarana uga jeediyey Badhasaabada iyo Maayirada
Kalkan Hoose Ka Daawo: