Hargeysa(MOI)- Waxaa maanta Magaalada Laascaanood Ku Soo Xidhmay Shir In Mudo ah Uga soconayay Labada ardaa ee Qayaad iyo Baharsame kaaso Lagu nabadeenayey Beelahaasi oo Mudo dagaal ka dhexeeyay.
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha Gudaha JSL oo baryahanba ku sugnaa ayaa maanta shirkaasi ilaahay ku guuleeyey inay kusoo afjaraan go’aamo iyo heshiis dhaxal gala.
Labadan beelood oo wada dega deegaanada Koonfurta gobolka Sool ayaa muddo badan kasoo dhaxaysay dirir colaadeed oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana mudooyinkii u danbeeyey lagu jirey sidii labadan beelood nabad waarta looga dhex dhalin lahaa islamarkaana halkaasi loogu so afjari lahaa colaada riiqda dheeraatay ee kasoo dhaxaysay labadan Beelood.
Garnaqa iyo soo afjarida colaada labadan Beelood oo ay gacanta ku haysay maalmihii u danbeeyey maxkamadda Islaamiga ah ayaa waxa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo la filayo inay dabar u noqdaan colaadan iyo dagaaladan sokeeye ee deegaanada Koonnfurta gobolka Sool ku dhex maraya labadan ardaa.
Qodobada lagu xakaymaynayo colaadan ee kasoo baxay shirkii nabadaynta beelaha Qayaad iyo Baharsame ayaa waxa kamid ahaa sida nuqulo kamid ah ay helayso shabakada Ramaasnews
Qodobadan kasoo baxay shirka Nabadaynta labadan Ardaa ayaa waxa la filayaa inay Bud-dhig u noqdaan nabad waarta oo ka dhex dhalata labadan ardaa ee walaalaha ah ee ood wadaagta ku ah deegaanada Koonfurta gobolka Sool.