Hargaysa(MOI)- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL ee Mudane Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa Maanta Shir Jaraa,id oo uu ku qabtay Xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha Kaga hadlay Dadka kasoo horjeeda Horumarinta Mashaariicda Dalka.
Wasiirka Ayaa sidoo Kale Digniin u Diray Cuqaasha iyo madax dhaqameedka dalka kuwaasi oo uu sheegay inay inay hormuud u yihiin nabada isla markana dawladu ku ixtiraantu iyaguna tix galin muujiyaan inaan maanta kadib loo adkaysan doonin caaqil colaad aloosaya lagana saari doono liiska cuqaasha.
Dhinaca Kale Mudane Wasiir Jamac Cabidillaahi Biin waxaa uu sheen in warbaahinta lagaga hadli karo wixii tallo iyo toosina ee ay ka reeban tahay kicinta dadka iyo ka shaqaynta dad isku dirku.
“Ma jiro qof Dawlad-nimada ka wayn sharcigana waa lays marinayaa maamulada Goboladana waxaan u sheegayaa in ay hawlahooda si toos ah u qabsadaan caaqilku caaqil maaha haduu Nabadgalyo daro ka shaqeeyo cid kasta oo ka hor timaada Nabad galyada waxaanu ka baabiin doonaa diiwaanka caaqil-nimada waa arin rasmi ah oo wareegtadeeda aanu u dirayno gobolada oo dhan qof kasta oo caaqil ah oo ka qayb qaata Qas iyo Qalalaase nabad galyo daro ah waxaanu u diraynaa Gobolada Xeer lagaga saari doono caaqil-nimada”.
Wasiiru-dawlaha Maamulka iyo degmooyinka Gobolada Jaamac Biin ayaa sidoo kale Shaaca ka qaaday in talaabo laga qaadi doono xisbiga ka hor yimaada horumarka iyo barnaamijyada dalka ka socda waxaana uu yidhi. “kuwaa xisbiyada ee iyaguna ku Cadanyooda Horumarka waxaan leeyahay xisbi waxa uu ka hadlaa waxaa anigu ma qabtee ee wax ka wanaag san ayaan qaban lahaa laakiin waxaas lama samayn karo iyo lama yeelayo ma odhan karo xisbiga yidhaahda isagana talabo ayaanu ka qaadaynaa xisbigu waxa uu xaq u leeyahay oo uu xisbi ku yahay oo sharci loo siiyey wax kasta oo Dawladu fulinayso kama hor imanayo laakiin wuxuu odhan karaa anigu sidaa ma sameeyeen ee sidaa si ka wanaag san ayaan samayn lahaa” Ayuu Yidhi Wasiiru-dawlaha Maamulka iyo degmooyinka Wasaaradda Arimaha Guduhu.