Daawo:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Dadka Ku Dhaqan Somaliland Ku Booriyey Inay Qaataan Kaadhkooda Dhalashada
Hargaysa(MOI)-Halkan Ka Daawo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo manta warbaahinta la hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay jeebka ku qaataan kaadhkooda dhalashada .
Isagoo sidoo kalana dadka ajaanibka ah iyagana ugu baaqay inay is diwaan galiyaan oo qaataan kaadhka ajaanibka ee dal ku joogista
Wasiirku waxaa uu sheegay in ciidamada Amniga iyo ciidamada laanta Socdaalku ay bilaabeen hawl galo dadka lagu kala saarayo iyadoo qof walba la waydiin doono kaadhkiisa dhalada.