Daawo:- Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Duulista Oo Si Wada Jira Ugu Dhawaaqay Go’aan Lagu Mabnuucayo Joojinta Isticmaalka Iyo ku Safarka Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu Sameeyo Gudaha Somaliland.

Hargaysa( MOI)- Halkan Ka Daawo Shir Ay saaka iskugu   yimaadeen  Wasiirada Wasaaradaha  Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan  Aadan Haybe, oo  ay  wehelinayaan  Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guudo  Cabdillaahi Fadal Iimaan,  iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa  dalka lagaga  mabnuucay   Guud Ahaanba  in   lagu  joojiyey  Isticmaalka  Iyo ku  Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu  Sameeyo  Gudaha Somaliland.

 Shirkan  oo  maanta  oo ay  taariikhdu  tahay  29/01/2017  ka    qabsoomay    xafiiska  wasiirka  Arrimaha gudaha ayaa  lagu   cusboonaysiiyey    qaraar   hore uga  soo  baxay  wasaarada arrimaha  gudaha  oo   mabnuucayey  qaadashada  iyo  isticmaalka  baasaboorka  lagu  sameeyo   ama laga  soo  saaray   goob  kamida   gudaha  dalka  Somaliland.

admin