Kormeerkan Kediska ah ee Madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu ahayd dardar-gelinta hawlaha Qaranka iyo u kuur-galka sida ay u socdaan hawl maalmeedka Hay’adaha Xukuumaddu. Goobihii uu Madaxweynuhu subaxnimadii hore booqashada ku tagay wuxuu xog warran ka dhegeystay masuuliyiinta iyo maalmulka Hay’adaha Xukuumadda ee waqtigaa ku sugnaa goobta shaqada ama xarumahooda.
Goobaha uu booqdey madaxweyne Siilanyo waxaa ka mid ahaa wasaarada Ganacsiga , Wasaarada Beeraha , Wasaarada waxbarashada, Wasaarada warfaafinta iyo xarunta haayada Shaqaalaha Somaliland