Hargaysa(SLMOI)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo Weheliyaan Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan , Taliyaha Ciidamada Laanta Socdaal Dayib iyo Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Ayaa Saaka Si Diiran Madaarka Caasimada Hargaysa Ugu Soo Dhaweeyey Dhigiisa Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Jabouti Xasan Cumar Maxamed Burhaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabouti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa socdaalkiisan uu ku yimi dalka Somaliland waxaa Wehelinayey La Taliyihiisa Gaarka Ah, Taliyaha Ciidanka Boliska, taliyaha laanta Socdaalka iyo Taliyaha La Dagaalanka Argagaxisada Ee Dalka Jabouti.
Waxaana markii wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Kusoo Dhaweeyey Madaarka Cigaal Intrenational Airport waxa uu usoo galbiyey Gudaha Magaalada Hargaysa Iyaga oo kormeer ku tagay Xarunta Dabdamiska ee Somaliland .
Intaasi kadibna waxaa ay uga gudbeen xarunta madaxtooyada Somaliland Halkaasi Oo shir albaabadu u xidhnaayeen kula qaateen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan La Taliyihiisa Gaarka Ah Cali Maxamed Waran Cadde, Wasiirka Madaxtooyada , Xoghayihiisa Gaarka Ah , Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Waliba Mudanayaaal Kale.
Waftidan oo casuumadeeda ay la hayd wasaarada Arrimaha Guduha Somaliland ayaa ujeedada Socdaalkoodu uu salka ku hayey Sii xoojinta Xidhiidhka Labada Dal ee Dhanka Amaanka Iyo siyaasada .