Hargaysa(SLMOI)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland AMB. Cabdi Fataax Siciid Axmed ayaa maanta si rasmiya ugala wareegay Wakiilka Haayadda ILO ee Somaliland Cabdi xamiid Maxamed Cumar Qalab kala duwan oo loogu tallo galay Degmada Sheekh .
Qalabkan uu agaasimuhu kala wareegay haayada ILO ayaa ka koobnaa qalabkii xafiisyada, (Furniture), qalabka Engineering-ka , computers iyo qalab sahlaya Cabirka kaabashaada dhaqaalaha sida wadooyinka.
Waxaa ugu horeynba munaasibada wareejinta qalabka ka hadlay Wakiilka Haayadda ILO ee Somaliland Cabdi xamiid Maxamed Cumar waxaana hadladiisii kamid ahaa “manta oo ay bishu tahay 17/11/2016 waxaan si rasmiya u wareejinayaa anigoo ah wakiilka Haayada ILO oo matalaysa haayadaha GPLG-ga Qalab aanu uugu talo galnay degmada Sheekh waaxda Hawlaha guud ee Degmadaasi sidii aanu ugu wareejinay 7 degmo ee hore ee ahaa GPLG-ga tana ay tahay tii uugu danbaysay qalabkan oo ka kooban qalabkii xafiisyada Furniture, qalabka Engineering-ka , computers iyo qalab sahlaya kaabashaada dhaqaalaha in si wanaagsan loo cabiro sida wadooyinka guud ahaan qalabku intaasuu ka kooban yahay waxaan ku wareeginayaa agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha oo isna kusii wareejin doona maayirka degmada sheikh anaguna goobjoog ayaanu ka ahaanaynaa”.
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo isago qalabkaasi isla goobta kusii wareejiyey maayirka Degmada Sheekh waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa “ Haayada ILO ee cabdixamiid wakiilka ka yahay aadbaanu uugu faraxsanay qalabkan ay keentay oo ka kooban electronic hadan isku idhaa iyo qalabka xafiisyada lagaga shaqaynayey runtii waxaan leeyahaya aadbaad u mahadsan tihiin Degmada Sheekh waa degmooyinka ugu muhiimsan 8 Degmo ee uu ka shaqeyyo GPLG wax qabad badana runtii way muujiyeen waxaanaan jeclahay qalabkan sidaa cabdi xamiid hore u sheegayba inaan ku wareejiyo maayirka Degmada Sheekh”
Ugu danbayntii Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata waxa hadalkiisa kamid ahaa “ waxaan u mahad celinayaa Aadan oo ka socda UNCDF , ILO, injineerada iyo dhamaan tiimkoo dhan. maayir kusoo dhawoow, ”
Ugu danbayntii Waxaa goobtaasi ka hadlay Maayirka Dehmada Sheekh Ibraahin Cabdillaahi Obsiiye waxaana hadaladiisii kamid ahaa
“wuu mahadsanyahay agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Madha Hayada ILO ee Somaliland UNCDF injinerada ILO dhamaan tiinba marka hore waan idin salaamayaa mar labaadkana waxaan sheegayaa in qalabkani yahay qalab faaíido badan leh sababtuu u yeelanayaana waxa weeyaan wuxuu khuseeyaa tiknikali shaqadii la qaban lahaa waa qalab loo baahnaa nasiib wanaagbay noo tahay inaan guddoono”
Agaasimaha aya waxaa Ku wehelinaayey Munaasibada uu qalabkani kula wareegay isla markaana uu ugu wareejinayey maayirka Degmada Sheekh La taliyaha Mashruuca GPLG Maxamed Yuusuf halka dhanka Haayada ILO aya matalayeen Wakiilka U Qaabilsan Somaliland C/xamiid Maxmed Cumar Iyo Aadan XAsan Maxamed Oo Ka Socday UNCDF.