Wasiir Waran Cade Oo Khudbad Dardaaran Iyo Dhiiri Galin Ah U Jeediyey Dufcadii 28 Ee Ciidanka Booliska Somaliland Ee Ka Soo Baxada Dugsiga Tobabarada Ee Dagmada Madheera.

Hargeysa (SLI)-  Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay In  nolshiisa Ay Ugu Macaanayd Uguna nolol wanaagsanaa markii uu ahaa Askariga, markaas oo uu sheegay in ay ahayd markii uu ugu lacagta yaraa.

Wasiir Waran Cade Ayaa Sidaasi ku sheegay Qudbad Dardaaran ahayd oo uu u jeediyay Dufcadii 28 Ee Ciidanka booliska Somaliland Ee Ka Soo Baxada Dugsiga Tobabarada Ee Dagmada Madheera.

Wasiir Warancade  waxa uu uga digay Ciidankan  oo  tiro ahaan Dhamaa 500 oo Askari in ay laaluush qaataan, waxaanuu u soo jeediyey in ay iska ilaaliyaan laaluushka  iyo qabyaaladda, isaga oo ku sifeeyey lacagta ay qataan mid aan badnayn balse barakaysan.

 

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Laaluushku Askariga waxa uu dilaa sharaftiisa, muuqaalkiisa iyo haybaddisa, lacagta aad qaadataanmo  badna laakiin way barakaysan tahay, waxaan ugu raaxo badnaa oo aan ugu nolol fiicnaa markii aan askariga ahaa, waana cajiib, waxa ay ahayd markii aan ugu lacagta ayaraa, waxa ahayd markii aan ugu howsha badnaa, laakiin berigaas gaadh ayaan qaban jiray oo saacadaha ay hurdadu ugu wanaagsan tahay ama ugu dhaxanta badan tahay ayaan gaadhka qaban jiray ama ugu dhib badan tahay ama ugu baqaha badan tahay, waxaan u rajaynayaa Askarta raaxaas in aad heshaan”.

admin