Munaasibad tan ka horaysay ayaa ahayd afur iyo casho sharaf madaxweynuhu u sameeyey afurkii kan ka horeeyey haldoorka culimo awdiinka dalka isla qasriga madaxtooyada Khamiistii.
Tartanka Xifdiga oo la magac baxay tartanka Madaxweynaha ee Qur’aanka kariimka ah ayaa ahaa sannadkii Afraad ee tartankan Madaxweynuhu qabsoomo, isagoo ka soo bilaabmay masjidka dhexe ee Caasimadda ee Cali Mataan, laguna khatimay qasriga madaxtooyada, iyadoo dhinacna laga maamuusayo madaxweynaha loogu magac daray, madaxweynuhu sharfayo qur’aanka kariimka ah, in lagu beratamo barashadiisa.
Sida uu ku warbixiyey sheekh Maxamed Aadan Muxumed, Imaamka iyo (Khadiibka) Masjidka Cali Mataan waxa sannadkan ka qaybgalay tartanka 18 wiil oo ka kala socda gobolada dalka oo dhan, 14 ka mid ah masaajidka ayaa loogu sheegay siday u kala horreeyeen, oo iyaga laftoodu kala sarreeyey, halka afartii ygy sarreeyey, madaxweynuhuna guddoonsiinayo jaa’isadaha.
Waxa kaloo u yidhi “Madaxweyne, sannadba sannadka ka dambeeya tartanku wuu sii adkaanayaa, dhibcaha lagu kala guulaysanayaana way sii yaraanayaan, taasina waxay tusaale u tahay inuu tartanka qur’aan xifdigu sii caan baxayo marba marka ka dambaysa”.
Erey kale oo laga xiganayo hadalka Sheekh Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha guddida tartanka ayaa ahayd, “shaqadan cidna isuma tusayno, oon ahayn in aan ajar iyo xasanaad kaga doonayno Ilaahay”.
Wuxuu kusoo jaray hadalkiisa waxqabadka madaxweynaha ee dhinaca diinta oo uu sheegay inay ka mid tahay tartankan qur’aan Akhriska, alkumidda hay’adda zakeda, dhismaha masaajidka madaxtooyada iyo kuwa kale.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulankaa ka hadlay ayaa faah-faahiyey ujeeddada hoggaanka dalku ka leeyahay munaasibadan diiniga ah, waxanu yidhi “Dulucdu ma aha inaynu wada afurno oo kaliya, iyo dhiirigelinta barashada qur’aanka uun, balse way ka xeeldheertahay, waxay daarran tahay oo kale ilaalinta diinta islaamka ee aynu masuulka ka nahay Dawladda masuuliyadeedu ma aha kaliya adeegga bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxay sidoo kale dawladdu masuulka tahay dhawrista diinta iyo ku camal falkeeda suubban.
Isagoo si gaar ah ula hadlaya da’yartii tartamaysay wuxu yidhi wasiirku “waad ka nasiib badan tihiin da’dayadii, qur’aan xafidsanayaashu way nagu yaraayeen, Hargeysa oo aan dugsiga sare ka galay, nin qudha ayaa xifdiga qur’aanka ah looga dambayn jiray, laguna magacaabi jiray Faysal Cali Faarax, imikana gobolkasta oo aad marto wiil da’yar oo xaafid ah ayaa ku tukinaya, ka dheeraada qabyaalad, tahriib, takfiir iyo afkaar khaldan, ogaada inaan dhammaanteen nahay Ehlu-sunna, Xusuusta waxa dalalka qayrkeen ee islaamka ah ka taagan, iyo cadaawadda iyo dilka ka dhacaya, Wuxu u mahadnaqay, sheikh Maxamed Aadan iyo qaban qaabiyeyaashii tartanka madaxweynaha, wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta, warfaafinta iyo wacyigelinta iyo garsooreyaashii tartanka iyo warbaahinta kala duwan ayuu kusoo ururiyey wasiirka Madaxtooyadu”.