Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Haayada Samafalka ARC Ee Fadhigeedu Yahay Qadar.

Hargaysa ( Xafiiska Af-hayeenka)- Wasiirka wasaarada Arrimaha  Gudaha Somaliland  mudane  cali  maxamed Warancadde  ayaa  xafiiskiisa  kulan  kula  qaaday  madaxda haayada  ARC oo   fadhigeedu  yahay  Qadar.

Qaayada   ayaa  muddo   ka  shaqaynaysay  gudaha Somaliland  ayaa   inta  badan  caawisa  agoomaha iyo  dadka danyarta ah ee reer Somaliland  iyadoo  dalka  ka hir galisay   Riiga biyaha ee Dhalinta Magaalada Hargaysa   Qaybintii Raashinkii abaaraha ee xeebaha Somaliland  iyo  Xarunta  agoomaha ee Kuwaitiga oo ay   kaalin laxaadleh  ka qaadatay.

Wasiirka  Arrimaha  Gudaha  Iyo Madaxda  haayadan  ayaa  manta  ka wada  hadlay  sidii  loo sii   xoogin lahaa  deeqaha  iyo  taageerida  dadka   jilicsan .

Wasiir Warancadde   ayaa   ku   hanbalyeeyay   wax qabadka balaadhan  ee dalka  ka  qabteen    haayada ARC  isaga  oo  sheegay  in  looga baahan yahay  inay   intaa kasii laban laabaan  isla markaana ay gaadhsiiyaan  gobolada  kale ee dalka.

Masuul  u  hadlay  dhinaca ARC   ayaa dhankooda    wasiirka  ka dalbadan   inuu   kala  shaqeeyo  dhinaca   amniga  isaga oo  tilmaamay in  amaanka  Somaliland  yahay  mid lagu  faano .

Ugu  danbayntii  labada dhinac waxa ay  isla   qaateen    taageerida  iyo  horumarinta  dadka danyarta ah  in  laga wada shaqeeyo.

 

IMG_2637

IMG_2625

 

admin