Tuko RAq (SLI)- Sarakaal Ka Socota Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ahna La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Xasan Cigaal oo ay weheliyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo baxay Magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland Ayaa Si Rasmiya Gacanta Ugu Galiyay Saraakiisha Maamulka Puntland Gaadhi Uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Dhawaan Uu Kala Soo Baxsaday Darawalkiisu lana soo galay Somaliland isla markaana ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Qaranku.
Iyadoo ay dawlada Somaliland ay ilaalinayso daris wanaaga iyo nabad galyada labada dhinac ee Somaliland iyo Dawlad goboleedka maamulka puntland.