Saddexdan dambiile laba ka mid ahi waxa ay ahaayeen Nin iyo Hooyadii oo ay ku Cadaatay in ay si badheedh ah u dileen isla markaana ku aaseen gurigooda Marxuumada Ruqiya Siciida Ayaanle sanadkii 2014.Waxa maanta Qisaas lagu fuliyay saddex dambiile oo dhamaystay dhamaan Heererkii Maxkamadaha oo ay Xukumeen Maxkamadaha Madaniga ah ( Civilian Courts) isla markaana ay Dhaxlayaashiii dhiiga lahaa codsadeen in loo Qisaaso.
Ninka Kalena waxa uu ahaa Nin ay ku cadaatay in uu si badheedh ah u dilay Marxuum kale, dilkuna waxa uu ka dhacay Gobolka Togdheer sanadkii 2014.
Qisaastan in la fuliyo waxa saxeexay Madaxweynaha JSL, waxaana Hubiyay Maxkamada Sare iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka. Waxaana goob joog ka ahaa Eheladii wax loo qisaasayay.
Dhinacakale waxa goob joog ahaa Hal Xeer-ilaaliye oo Ka socday Xafiiska Xeer ilaainta guud, Xubin ka socota Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo dhakhtar ka socda Wasaarada Caafimaadka.
Waxaana ka qayb Qaatay diyaarinta Wasaarada Cadaalada isla markaana waxaa fuliyay Saddexda Ciidan Qaran ee JSL, Asluubta, Booliiska iyo Militariga.
Dadkii la qisaasay oo faahfaahsan waxa ay kala yihiin sidan:
1- Muuna Maxamed Cabdiilahi Da’ada : 37 Sano
2- Maxamed Axmed Cabdi Da’ad : 21 Sano
3- Cabdalla Xasan Maxamed Da’ad : 30 Sano
Allah Ayaa Mahada Dhamaanteed Iskal leh
Gudoomiyahah Maxkada Sare Xeer Ilaaliyahay Guud ee Qaranka JSL
Adam Xaaji-Cali Axmed Hasssan Axmed Adan