Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Oo Xilalkii u Kala Wareejiyey Badhasaabka iyo Badhasaab Ku Xigeenka Cusub iyo Badhasaabkii hore iyo Ku Xigeenkiisii.

Hargeysa : Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Mudane Cabdale Maxamed Carab ( Cabdale Sandheere) Ayaa Maanta xilkii u Kala Wareejiyey Gudoomiyihii iyo Ku-xigeenkii Hore Ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Gudoomiyaha Cusub Iyo Ku-xigeenkiisa.

Xafladda Xil-Wareejinta Ayaa waxa ka soo Qayb wasiirka Hawlaha Guud, Wasiir Kuxigeenka dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Maayirka Caasimada Hargeysa, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose, iyo Madaxda dhaqanka Ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wasiir Cabdalle Ayaa Masuuliyiintii Hore Ee Gobolka Uga Mahadceliyey intii Ay Xilka Hayeen, Masuuliyiinta Cusubna Alle Uga Baryay inuu Ku Asturo masuuliyaddaas.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Arimaha Guddaha & Amniga Jsl

admin