Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa hadhimo Sharafeed ku maamuusay Xildhibaan MP, Sir Gaving Williamson

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa hadhimo Sharafeed ku maamuusay Xildhibaan MP, Sir Gaving Williamson oo si wayn ugu ololeleeya qaddiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa Xildhibaanka xog waran ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horuumarka ka socda dalka, iyadoo Wasiirku si wayn Xildhibaan ugu mahadnaqay dedaalka uu la garab taaganyahay Somaliland iyo qaddiyada Somaliland uu horgeeyey aqalka Baarlamaanka Ingiriiska.

Casuumaddan Xildhibaan Gaving Williamson lagu maamuusay waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi (Suufi), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Safiirka Dowladda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Xirsi iyo Masuuliin kale.

Xildhibaan Caving Williamson ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

admin