Kulanka Guddoomiyaha Goalaha Wakiiladda Jsl  Laascaanood Gaadhay Kulan Muhiimana La Qaatay Weftigii Xukuumadda ee HALKA ku Sugnaa  

Kulanka Guddoomiyaha Goalaha Wakiiladda Jsl  Laascaanood Gaadhay Kulan Muhiimana La Qaatay Weftigii Xukuumadda ee HALKA ku Sugnaa

 

Laascaanood-19-01-2023(). Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa Gaadhay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Khaliif Axmedi, wuxuu kulan la qaatay Weftiga Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamd Kaahin Axmed iyo Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa is Xogwaraysi ayaa ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, waxaana kulankan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

admin