Dowladda Somaliland oo Markii u Horaysay Ka Dhawaajisay Qorshe Lagu Diwaangelinaayo Halgamayaashii Ururkii Shuhaadada SNM Ee Dalka Xoraysay

 

“Mujaahidiintii S.N.M Waxa loo Samaynaya Kaadh aqoonsi” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl md Maxamed Kaahin Axmed ‘ ayaa ka dhawaajiyey Qorshe muhiima oo markii u horaysay 31 sanno oo intii ay Jamhuuriyadda Somaliland ay dowladnimaddeeda la soo noqotay ka soo wareegtay lagu diwaangelinaayo Kaadhadh u gaar ahna loogu samayn doono dadkii reer Somaliland ee ka soo qaybgalay kana tirsanaa wakhtigii Halganka Shuhaadadii ururkii Mujaahidiintii SNM ee Naftooda iyo Maalkoodaba u soo horay Xoraynta Shacabka Somaliland ee la soo dagaalamay kana Xoreeyey Maamulkii Kaligii Taliska ahaa ee Dowladdii Maxamed Siyaad Barre hogaaminaayey.

 

Wasiir Maxamed Kaahin oo Khudbad ka jeediyey maanta Munaasibada Xuska Sannad Guuradii 38aad ee Aasaskii ururkii Shuhaadda SNM ee halganka Dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland’ waxaana halkaasi uu wasiir Kaahin kaga dhawaaqay war muhiima oo uu ku cadeeyey inay Dowladda Somaliland gacanta ku hayso qorshe lagu diwaangelinaayo Kaadhadh Aqoonsi ahna ugu samayn doonto Halgamayaashii ururkii SNM ee ka soo qaybgalay dib u xorayntii dalkooda Somaliland.

 

Halkan Ka Daawo

admin