Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Madaarka Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Wefti Dowladda Jabuuti Ka Socda

Wasiirka Arimaha Guddaha Jsl oo Madaarka Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Wefti Ka Socda Dowladda Jabuuti

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Madaarka Egal International Airport, ku soo dhoweeyey Wefti ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Weftigan ka socdey dalka Jabuuti ayaa yimi ka qayb galka Aaska Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo maalintii shalay ku geeryooday Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo sidey Tacsi ka timi Dawladda Dalka Jabuuti iyo shacabkaba.

Weftigan waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dalka Jabuuti Siciid Noux, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Jeelasha Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dalka Jabuuti Mustafe Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dalka Jabuuti, Xildhibaano iyo Masuuliin kale.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dalka Jabuuti, ayaa si wada jir ah Tacsi ugu direy Ehelkii, Asxaabtii iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Muxumed Aw Axmed, iyagoo maruumka Eebe uga baryey in uu Janatul-fardowsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, Ehelkiisii, Asxaabtii iyo Qaranka uu ka baxayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

admin